Dhagayso Madaxwaynaha Puntland oo daahfuray Jadwalka Hannaanka Geeddi-Socodka Doorashooyinka Puntland

Garowe, 05, Oct, 2016 – Guddiga doorashooyinka Kumeel gaarka ee Puntland (TPEC) ayaa  maanta Garoowe ku daahfuray hannaanka geedi socodka  iyo shax howleedka dooshooyinka Puntland oo muddo afar iyo tobon bilood gudahood lagu dhaqan galin doono, Sida lagu muujiyay jadwalka doorashadda ee guddigu soo bandhigeen.
 
Daahfurka Jadwalka doorashooyinka Puntland oo lagu qabtay xarunta PDRC ee Garoowe,  Waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Guddoomiyaha Barlamaanka Axmed Cali Xaashi, Xubnaha labada Golle ee dowladda,  Ururadda bulshadda rayidka, Siyaasiyiin hore iyo martisharaf kale ayaa waxaa lagu so bandhigay jadwalka iyo shaqo howleedka ee furitaanka Axsaabta siyaasadeed iyo doorashadda gollaha degaanka ee degmooyinka Puntland.
 
Guddoomiye K/xigeenka Guddiga Doorashooyinka  Kumeelgaarka ee Puntland oo ugu horrayn ka hadlay daahurka ayaa sheegay in ujeedada barnaamijku uu la xiriiro soo gudbinta Tubta Geedi socodka ee barnaamijka doorasashadda Puntland  oo waqtiyaysan iyo sidii   dalka looga  bilaabi lahaa Nidaamka xisbiyadda Badan. Sidoo kalena dadka reer Puntland looga saari lahaa nidaamka qabaliga ah, Looguna jihayn lahaa nidaamka xisbiyadda badan iyo doorasho hal qof iyo hal cod.
 
Wuxuu sheegay in guddiga doorashooyinka ay ka go’antahay hirgalinta iyo socodsiinta jadwalka tubta geeddi-socodka doorashooyinka Dowladda hoose ee Puntland. Waxaana uu ka codsaday dowladda puntland, Ururadda bulshadda rayidka ah iyo Beesha caalamka in gacan buuxda ay guddiga ka siiyaan sidii looga miro dhalin lahaa doorashadda Puntland.
 
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kullanka Daahfurka soo afmeeray ayaa sheegay in  mudada labada sanno ee ka hartay waqtiga xukuumadiisa uu ku dadaali doono sidii lo fulin lahaa jadwalka doorashadda ee ay guddiga soo gudbiyeen.
 
Wuxuu sheegay haddii doorashadu ku qabsoomi waydo xiligi loogu talagalay ay xukuumadiisu ku dadaali doonto inay gaarsiiso meel dowladda xigta ay ka soo ambaqaado, balse uu rajaynayo in waqtiga u dhiman ay ku fuliyaan doorashadda.
 
“ Waxaad moodaa jadwalka sida aan hadda ku socono aanu ku socono waa dhib badnaanaysaa inaan dhamaystirno barnaamijka aanu ku talagalnay, markaa waxaanu u baahan nahay in waqti iyo dadaal badan galino, jadwalka ay soo bandhigeena guddiguna aanu ku dadaalno inay ku hirgalaan” ayuu yiri wuxuuna sii raaciyay
 
“ Waa taanu niri  2019ka January  haddii dowlad ahaan samayn wayno nidaamkaas, wax badan baa dowlanamidii gaaraya runtii, haddii ay suurgaliwaydo inay doorasho dhacdo, waxaanu u baahan nahay meel wanaagsan oo kuwa naga dambeeyaa ay ka ambaqaadi karaan inaanu gaarsiino” ayuu yiri
 
Daahfurka Bandhiga Tubta doorashooyinka ee Puntland waxaa kaloo  taageeray Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi, Xafiiska Xuquuqul Insaanka Puntland iyo  dalladda Ururada aan dowliga ahayn ee PUSAA .
 
Sida u dhigayo jadwalka doorashadda ee ay guddigu soo bandhigeen Waxaa doorashada gollaha degaanka ee Degmooyinka Puntland la qaban doono dhammaadka bisha December ee 2017, iyadoo saddexda Xisbi ee ku guulaystana lagu dhawaaqi doono bisha January ee sanadka 2018, iyada oo  dhammaadka sanadkan la bilaabi doono aqbalaada iyo qabashadda Xisbiyadda u tartamaya dowladaha Hoose.
 
Sanadkii 2013ka ayaa xukuumadii uu madaxda ka ahaa C/raxmaan Faroole waxay isku dayday in muddo kooban ay ku hirgaliso nidaamka Axsaabta badan, islamarkaana ay qabato doorashooyinka gollaha Degaanka, Taasi oo la joojiyay bartamihii isla sanadkaasi markii dadweynuhu ay ka soo horjeesteen, dadna ay ku dhinteen.
 
Hoos ka dhagayso Warbixin uu diyaariyay wariye Cabdixakiin Xuseen Xassan

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com