(Dhagayso) M/ Hore ee Puntland Faroole oo sheegay inuu yahay Musharax 2016, qaadacayna Hishiiskii Garowe

Garowe, 04 – April – 2016 – Madaxwaynihii hore ee Dowladda Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inuu yahay musharax u taagan 2016, dhinaca kale-na waxaa uu qaadacay hishiiskii xalay Garoowe ku dhex-maray Ra’iisul-wasaaraha DF Iyo Madaxwaynaha Dowladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.
 
Dowladda Xasan Shiikh Maxamuud ayuu sheegay inaysan waddanka waxba ka qaban kuna fashilantey nidaamkii Federaalka ee lagu aaminey waa sida uu Farole sheegay, wuxuu sheegay madaxwaynaha Soomaaliya inuu dadaal ugu jiro sidii uu dib ugu soo laaban lahaa.
 
Cabdiraxmaan Farole, madaxwaynihii hore Puntland ayaa sheegay cid walba oo Soomaaliya meel wanaagsan gaar siinaysa uu gacan siinayo maadama uu waayo arag yahay, wuxuuna hadalkiisa raaciyay si looga baxo xaalada lagu jiro ay la qumanaatay inuu xilka madaxwaynaha isku sharaxo.
 
Mar Radio Daljir ay waydiisay madaxwayne Faroole su’aal ahayd suurto-galnimada kala aragti duwanaan la xiriirta hishiiska  Garowe ee madaxda Dowladda Federaalka ayuu ku jawaabay.
 
“Iima muuqato anniga Xassan Shiikh wuxuu helay war hordhac ah, wuxuuna galay khalad siyaasadeed, waxaana C/wali iyo R/wasaare Sharmaakena u banaanayd in ay tuuraan nidaamka 4.5, marba haddii uu ka hor-dhacay.
 
Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com