(Dhagayso) Lacago been-abuur ah, iskuguna jirta dollar iyo Shillin Somali oo maanta Galkacyo ugu gubay.

Gaalkacyo, Oct 29 – Lacag dhan 130,000 oo dollarka iyo 950,000 oo? shilin Soomaali faalsaa ama been abuura ayaa maanta barqanimadii lagu gubay xarunta maamulka gobolka Mudug.

Shir lagu soo bandhigayay lacagtaasi isugu jirta shilin Soomaaliga iyo doolarka ayaa waxaa hadalo ka jeediyay gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey), taliye xigeenka booliska PL Gen; Muxiyadiin Axmed Muuse, Wasiir ku xigeenada Maaliyadda C/raxmaana Maxamuud Xaaji Xasan, iyo Amniga Cabdi Jamaal Cismaan, waxaan goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka duulista hawada iyo garoomada iyo saraakiil kale oo uu ka mid yahay duqa Gaalkacyo Siciid Cabdi Faarax.

Ugu horayn gudoomiyaha Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa ka warbixiyay muhiimadda maamulka ay u leedahay lacagtan faalsadaa ee ban-giga Gaalkacyo uu qabtay, isagoo ku darsaday dhawr barnaamij oo hormarineed oo qaarkood ay socdaan kuwaasoo ay ka mid yihiin dhismayaasha waddooyinka degmooyinka gobolka hoos taga, iyo sida uu maamulkiisu ugu guulaystay adkaynta amniga iyagoo kaashanaya ciidanka magaalada yimid bilo ka hor.

Taliye-ku xigeenka booliska PL Gen; Muxiyadiin Axmed Muuse oo dhawrkii bilood ee ugu danbeeyay hawlo xasilinta gobolka u joogay Gaalkacyo, ayaa isaguna dhankiisa waxaa uu ku cel-celiyay in laga wada qayb qaado xasilinta deegaanka, waxaana uu carabka ku dhuftay in feejignaan dheeriya loo yeesho cida guryaha ama hoteelada laga kiraynayo, qofkii gurigiisa ama hoteelkiisa bur-cad badeed ama aragagixiso ka kireeyana lagala wareegi doono hantidiisa ma guurtadaa.

Wasiir ku xigeenka Maaliyadda PL Xaaji C/raxmaan Maxamuud X. Xassan oo dhankiisa hadalo kooban oo ku aadan hormarka gobolka ka hadlay ayaa tilmaamo muujinaya khatarta lacagta iyo calaamadaha lagu garan karo u faah-faahiyay bulshada, wuxuuna sheegay inay tahay lacag been-abuura oo loogu tala galay in dadka lagu dhaco.

Wasiir ku xigeenka Amniga PL Cabdi Jamaac Cismaan ayaa kulanka soo gunaanuday, wuxuuna reer Gaalkacyo ugu baaqay inay ka hortagaan wax walboo dhibaato ku keeno kara nabad galyadooda iyo hormarkooda.

Isku soo wada duuboo lacagtan maanta Gaalkacyo lagu gubay ma ahan markii ugu horeysay oo sidan oo kale bangigu uu gacanta ugu dhigo ka dibna meel fagaaraa dab lagu qabad siiyo.

Dawladda dhexe ee Puntland iyo maamulka gobolka Mudug ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay gacanta ugu sii hayn lahaayeen xasiloonida Gaalkacyo oo hada u muuqanaysa mid la isku halayn karo, iyadoo ay socdaan qorshayaal lagu dhisayo golaha deegaanka Gaalkacyo.

HALKAAN KA DHAGAYSO CODKII WASIIR-KUXIGGEENKA WASAARADDA MAALINTA PUNTLAND C/RAXMAAN XAAJI XASSAN

Diiwaaanka Wararka
Radio Daljir
(S)

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com