(Dhagayso) Kulamo lagaga hadlayo u gar-gaaridda dadkii ay saameeyeen daadadkii Wabiga Shabeele oo Moqdisho ka socda.

Balad-weyn, Oct 08- Gudigii? DF ee? Soomaaliya ay u xilsaartay wax ka qabashada Fatahaadaha Wabiga shabeelle iyo daadadkii roobabka? ayaa kulan saacado qaatay maanta la yeeshay? Qaar ka mid ah Hay?adaha Samafalka ee ka howlgala dalka Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay sidii gurmad dag dag ah loo gaarsiin lahaa? dadkii ay saameyeen fatahadii uu sameeyay wabiga shabeelle.

Wararka aynu ka helayno gobolka Hiiraan ayaa so sheegaya in maanta Kulanka ay yeesheen gudiga fatahaada wabiga Shabeelle iyo daadadkii? hay?adaha Umadaha midoobay iyo kuwa Islaamka ayaa waxaa looga hadlayay sida uga dhaqsiyaha badan ee kaalmo loo gaarsiinkaro dadkii ay saameysay fatahaada wabiga shabeelle iyo waliba daadadkii ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolka.

Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamigaa ee waqtigiisu uu sii dhamaanayo ahna guddoomiyaha gudiga loo xilsaray u gargaarida dadkaasi C/laahi Goodax Barre oo kulan kadib la hadlay warbaahinta Allidamaale ayaa sheegay in ay isla afgarteen in sida ugu dhaqsiyaha badan loo gargaaro dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalo madaxda? B/weyne.

C/llaahi Goodax Barre ayaa intaa ku daray in maalmaha soo socda dadka ku dhaqan magaalada B/weyne loo geyn doono Raashiin iyo dawo.

Dhinaca kale madaxa arimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Maxamed Macalin Yuusuf ”Garabeey” oo goor dhawayd waraysi siiyay Radio daljir ayaa sheegay dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Puntland waxaa uu ugu baaqay inay ka qayb-qaataan gar-gaarka loo fidinayo walaalahooda Soomaaliyeed.

Hay?adaha caalimaga ah iyo kuwa maxaligaa ayaa si weyn looga dalbanayaa inay gar-gaaraan dheeriya la soo gaaraan boqolaal qof oo ku maal iyo mood beelay daadad iyo fatahaado uu sameeyay magaalada Balad-weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka Daljir

(S)


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com