(Dhagayso) Jaaliyada Puntland ee Washinton ee taageertay Hishiiskii Garowe, kuna baaqday in Garowe lagu qabto Doorashada 2016-ka

Washinton 06 – April – 2016 Tan iyo markii ay Puntland hishiiskii Garowe ay si rasmi ah ugu caddaysay in ay ogolaatay in doorashada Soomaaliya lagu galo doorashada 4.5 waxaa aad isku soo tarayay falcelis bulshada Puntland dal iyo dibad-ba. Fikiraduhu waxay isugu jireen kuwo qaadacaya Natiijada iyo kuwo soo dhawaynaya Natiijada. Jaaliyada Puntland ee Washinton ayaa sameeyay banaanbax lagu soo dhawaynayo go’aanka Puntland iyo hishiiskii Garowe.
 
Jaaliyada Washinton ayaa shir ay isugu yimaadeen maantay waxay ku muujiyeen dareenkooda,  dhammaanba mas’uuliyinta jaaliayda iyo waxgaradkii shirka ka hadlay waxay cabsi wayn ka muujiyeen in aanan Muqdisho lagu qaban-karin Shirwaynaha Doorashada Soomaaliya, waxayna ku baaqeen in Garowe lagu qabto. 
 
Haddaba mas’uuliyiintii shirka ka hadlay ka mid ahaa  Dr C/wali C/llaahi Shiikh Cismaan,  G/kuxiggeenka Jaaliyada PL ee Washinton State Axmed Shire Faarax Iyo Aqoonyahan Maxamed Cali Kacaan oo ka mid ah Odoyaasha Jaaliyada Puntland ee Washinton.
 
Hoos ka dhagayso warbixin uu shirkaasi ka diyaariyay wariye Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin oo ka tirsan Radio Daljir.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com