Dhagayso Garaad Ciid: Si gaar ah waxaan u Hambalyaynayaa Siciid Xasan Cismaan oo si door ah u guulaysatay

Baran, October, 21, 2016 – Afhayeenka issimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa si diiran usoo dhaweeyay, una hambalyeyay guusha taariikhi ah ay gaareen xubnaha aqalka sare u matali doona aqalka sare DF, waxaana uu si gaar ah ugu hambalyeeyay gabar lagu magacaabo Siciid Xassan Cismaan oo ka guulaystay 2 ka mid ah tartamayaasha gobolka Sanaag

“Waxaan leeyahay iyada iyo dhamaantood howshaas Allaha idiin sahlo, waxaan si gaar ah isha ugu hayay doorashadii shalay bilaabatay arroortii, waxaybna soo gabagabowday xalay fiidnimadii, waa dhabar-adayg taariikhi ah, sabur ayaa meeshaasi ka muuqday ogaada wadaniyadu, waxaa la yiri sabanka qiimaha dowladnimadu maxay tahay ayaa la yiri, waxaa lagu jawaabay waa dhiiga ragga” Sidaasi waxaa yiri Garaad Cali Ciid.

Garaad Cabdullaahi Cali Ciid waxaa sidoo kale ka warbixiyay safar uu ku joogo gobolka Sanaag

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com