(dhagayso) Garaad Cali Ciid oo sheegay in Ergiga QM Soomaaliya uu Qooq ku jiro

Gorowe, 10, Febru, 2016 – Afhayeenka issimadda Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir kaddib markuu uu soo dhammaaday kulamadii u dhaxeeyay issimadda iyo Beesha Caalamka ayaa Garaadku waxaa uu faahfaahiyay nuxurkii kasoo baxay shirkooda.
 
Garaadku wuxuu yiri “Ninkaan annaga waxba nagama codsan ee wuxuu si cad noogu soo jeediyay inaan aqbalno oo qaadano nidaamka 4.5, waxaana iiga muuqatay inuu yahay in qooqan, qooq baa iiga muuqata hadalladiisa, waxaa kale oo ka mid ahaa hadalkiisa inuu noo abaal sheegtay oo uu ka warbixiyay waxbaayaha Puntland ay beesha caalamku siiso, balse dan kama aanan galin, oo mowqifkeena oo qoraal ah ayaan u gudbinay, hadalka waan ugu sheegnay”
 
Hoos ka dhagayso waraysigii uu la yeeshay Cabdifitaax Cumar Geeddi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com