(Dhagayso) Faysal Rooble: Daljir waa in aysan gorgor-tan ku galin shaqada ay ummadda u hayso

Los Angeles,  28 – June, 2016 – Qoraa sare Faysal Rooble oo ah Maareeya Guud ee qaybta qorshayn ee Los Anjalis oo u waramay Radio Daljir ayaa sheegay in tacadiga saxaafaddu uu muuqda dhaawac wayn oo gaaray haykal-kii dowladnimo ee Puntland, isla markaana xukuumadda Gaas ay jabisay dhammaan-ba sharciyadii dalka u yiilay iyo kuwii caalamiga ahaaba.

“Wasiir Soocade nin-kasta oo muruq iyo maal galiyay Puntland, ciddina Allaha ka dhigee, waxay ku tahay laf jab, waxyeelo, dib u socod-nimo, iyo ka noqosho wixii Puntland laga rabay in ay ku dhaqaaqdo, ayaa hadalka wasiirku ahaa iyo adoo ayba dambi tahay, Puntland iyo aduunyadaba, waa dambi caalami ah,  qof haddii aad ugu hanjabtid, hub iyo qalab baan haystaa, waana ku dilayaa, waxay la macno tahay in aad ku taamayso qof in aad dishid oo nafta ka qaadid, waana danuubta ugu waawayn ee aduunka la galo” Sidaasi waxaa yiri Aqoon yahan Faysal Rooble

Aqoonyahan Faysal waxaa uu sheegay in dowladda Puntland ay ka aamusto hadalkii wasiir Soocade in loo macnayn-karo labo arrimood oo kale ah, 1 – Jileec xagga madaxtooyada ah, 2 – In xukuumaddu ku qanacsantahay hadalka wasiir Soocade. Faysal waxaa uu hadalkiisa raaciyay in haddii wax la yeelo qof ka mid ah shaqaalaha Daljir cid kasta oo yeesha in mas’uuliyadeeda ay leedahay dowladda uu hoggaamiyo Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Mr Rooble waxaa uu sheegay in ay nasiib-darro iyo tiiraanyo adag ay tahay in Madaxwayne C/wali Gaas oo kusoo dhaqmay, kana soo shaqeeyay dal Dimuqraadi ah in wariyaal wadaniyiin ah oo dalkooda u shaqaynaya uu cabburin iyo tacadi kula kaco.

Hoos ka dhagayso waraysi uu la yeeshay wariye Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com