(Dhagayso) Faysal Roble: Inkastoo Nidaamkii xaaraanta la qaatay, hase ahaatee doorashada Garowe halagu qabto

California, 06 – March 2016 – Aqoonyahan qoraa sare Faysal Rooble oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay in Puntland ay saxiixdo nidaamka 4.5, waxaana uu hadalkiisa raacsaday in meeqaamkii Puntland uu hoos u dhacay.
 
“Waxa kaliya cusub in madaxwaynuhu saxiixayo xildhibaannada labada aqal ee Puntland u matalaya, waxyeelo wayn ayay Puntland gaarsiinayaa qodobadaasi, waxayna waxyeeladu tahay in madaxwaynuhu liiska saxiixayo oo qofkuu rabo ku darayo, qofkuu rabana ka reebayo, waxaan ka baqayaa in reeraha qaar-kood ay tani carro wayn ku reebi doonto” Sidaasi waxaa yiri Faysal Rooble.
Md. Faysal waxaa uu dhaliil xooggan u jeediyay baarlamaanka Puntland oo uu ku tilmaamay Maqaar-saar, waxaana uu iftiimiyay in loo baahanyahay in baarlamaanku ay la xisaabtaan madaxwayne Gaas, isla markaana uu si nidaam ah madaxwaynuhu u qanciyo wakiilada shacabka.
 
Aqoonyahay Faysal waxaa uu sheegay in marba haddii la saxiixay nidaamkii dadku diidanaa ee 4.5, in doorashada Soomaaliya lagu qabto magaalada Garowe, isagoo hadalkiisa wata Faysal waxaa uu sheegay inuu horay marar badan ugu taliyay in Baarlamaanka Soomaaliya xattaa ay habboon-tahay in ay ku shaqeeyaan Garowe.
 
Hoos ka dhagayso waraysi uu la yeeshay wariye Maxamed C/llaahi Cali Kooshin.
Diiwaanka Wararka Daljir
 

Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com