(Dhagayso) Cabdi Boolis: Shacabka Hiiraan Iyo Shabeellada Dhexe waa in talada iyaga loo daayaa

Aqoonyahay Cabdi Maxamuud Maxamed (Cabdi Boolis) oo ka mid ah musharaxiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimo ee Maamulka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa ka xog-waramay damaciisa siyaasadeed iyo sida ay ula muuqato qaab-ka ay DF iyo IGAD rabaan in ay u dhisaan maamulkaasi.
 
Cabdi Boolis waxaa uu yiri ” Waxay ku fiicnaan lahayd in waxgaradka iyo qaybaha bulshada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe loo madax-baneeyo danahooda, markii hore iyo haddaba waxaa jirta tabasho, arrintaasi daawadeedu waxay tahay in madax dhaqameedka iyo ururada bulshada rayidka ah ay isku yimaadaan, si dhab ahna uga tashadaan masiirkooda”
 
Mudane Maxamuud oo waxaa uu dalbaday in dadka gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan ay yihiin dad xigto iyo xigaal ah, waxaa uu ballan qaaday musharax ahaan in uu ka qayb-qaadanayo dhismaha maamulkaasi.
 
Musharax Cabdi Boolis waxaa uu sheegay haddii uu ku guulaysto Maamulkaasi in uu xooga saarayo dib u hishiisiinta gobolka, waxaa uu hadalka raaciyay nabadgalyaduna in ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee bulshada deegaankaasi ay u baahantahay.
 
Cabdi Maxamuud Maxamed (Cabdi Boolis) ayaa ugu dambayntii waxaa uu xusay in dib u dhac-wayni uu jiro, loona baahanyahay in sida ugu dhaqsaha badan loo dadajiyo dhismaha maamulkaasi, waxaa uu ku celceliyay madax-banaanida gobolladaasi 
 
Diiwanka Wararka,
Radio Daljir,

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com