(Dhagayso) Afhayeenka issimada Puntland Garaad Cali Ciid oo soo dhaweeyay doorashada Jubbaland, hambalyana u diray MD Axmed Madoobe.

Boossaaso, August, 17 – Afhayeenka issimada Puntland Garaad C/llaahi Cali Ciid ayaa si diiran usoo dhaweeyay doorashadii ka dhacday Jubbaland, waxaana uu hambalyo u diray Madaxwayne Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe)
 
Garaadku waxaa uu nasiib-darro ku tilmaamay in madaxda DF ay ka qayb-galeen doorashadii Cadaado oo aan Dastuurka waafaqsanayn, waxaase uu wax lala yaabo ku tilmaamay in Jubbaland oo buuxisay dhammaanba sharuudihii Dastuuriga ahayd inaan doorashadeeda laga qaybgalin.
 
\”Jubbaland ma garanayo waxa ay ku khaldantahay, waxaanse aad ula yaabay sababta uu doorashada Jubbaland uga qaybgali waayay Nicklos Key ergaga gaar ka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, waa nasiib darro wayn iyo wax lala yaabo\” Sidaasina waxaa yiri Garaad C/llaahi Cali Ciid.
 
Halkaan ka dhagayso waraysi Garaadku uu siiyay Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com