Dhagayso Afhayeenka Hiiraan oo ka warbixiyay khasaarihii Qaraxii lala eegtay ciidanka Jabbuuti

Baladwayne, Oct, 26, 2016 – Inkastoo, Weli aysan Sahlaneyn in Khasaarihii ka dhashay Weerarkii maanta lagu beegsaday saldhigga ciidamada Jabuuti ee Beledweyne, la ogaado ayaa dhinaca kale waxaa soo baxaya faah faahinno hor dhac ah.
 
Weerarkan oo ahaa midkii ugu cuslaa ee lagu beeegsday ciidanka AMISOM ee hawl-gala magaalada Beledweyne ayaa lagu waramayaa inay ku dhinteen Saddex Askari oo ka tirsan ciidammada Jabuuti, halka tiro kale oo intaa ka badanna ku dhaawacmeen.
 
Sidoo kale, Weerarkan waxaa fuliyay Baabuur UD ah oo dusha sare laga soo saaray bal ay Cunaan Xoolaha, waxayna Goob-joogayaal ah sheegeen in ka hor inta uusan qaraxu dhicin saacado badan uu Goobta ku sugnaa Baabuurkan oo ay dadka qaar u qaateen mid lagu Dul iibinayo calafka ay xoolaha cunaan.
 
Dhimashada rayidka, ayaa ilaa iyo hadda inta la ogyahay lagu warramayaa in ay gaarayaan saddex ruux, halka dadka kalana ay soo gaareen dhawacyo kala gadisan.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe Caga-joof   ayaa khasaaraha iyo sida ay wax u dhaceen uga warmaay wariye xasan Heykal 

HOOS KA DHAGAYSO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com