Dhagayso Abuukar Cawaale: Waa gef in Puntland ay difaacdo qaadka

London, 06, Sept, 2016 – Guddoomiyaha Ururka Ladgaaalanka Qaadka Soomaaliya Abuukar Cawaale Qaadiid oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir waxaa uu wax laga naxo ku tilmaamay in Puntland ay qaadacdo go’aankii DF ay ku joojisay maandooriyaha Qaadka.

“Waa nasiib-darro aad u wayn in Puntland ay ka hortimaado daroogadii DF ay ka joojisay Soomaaliya, taasi waa gef, ma aqaan waxa ku kalifay in Puntland ay ka hortimaado go’aankaasi, waxaan Puntland ugu baaqayaa in ay siyaasada iyo maandooriyaha kala saaraan”

Shacabka iyo culumada Puntland waxaan ugu baaqayaa in ay taageeraan go’aankaan lagu joojiyay qaadka, waxaana xukuumadda Puntland ka codsanayaa in ay ka noqoto go’aankaasi. 

Hoos ka dhagayso waraysi Abuukar Cawaale oo ka qaaday wariye Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com