Dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS)

Radio Daljir oo xoogga saaraya, siina xoojinaya soo gudbinta wararka iyo waraysiyada iftiimaya xaaladihii ugu danbeeyey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxa uu Isniin walba idiin soo gudbinayaa warar joogta ah oo ka warrama marxaladihii ugu danbeeyey ee deegaanka, dhan siyaasad iyo dhan dhacdooyin deegaanba.

Marxaladihii ugu danbeeyey ee deegaanka, sida ay nala qaysadeen wariyayaasha Daljir ee DDS iyo waliba bulshada deegaanada kala duwan ee gobolada DDS waa sida hoose:

1) July 1

Degmada Alaale ee gobolka Sitti maleeyshiyaadka Canfaarta ayaa ka soo gudbay xadka waxaana la dareemayaa dhaqdhaqaaqyo xoogan dhanka duleedka degmada Alaale. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan waxaana laga cabsi qabaa in uu dagaal qarxi.

Degmada Danlaheylay ee isla gobolka Sitti ayaa iyana isla 1dii July waxaa isku horfadhiyey maleeyshiyaadka Canfaarta iyo dadka deegaanka.

2) July 4

Degmada Danlaheylay ee gobolka Sitti ayaa waxaa ka biloowday dagaal xooggan una dhaxeeya shacabka Soomaalida iyo maleeyshiyaadka soo duulay ee Canfaarta. Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii ay 1dii July maleeyshiyaadka Canfaarta soo duldegeen degmada deedna weerar culus ay la beegsadeen Danlaheylay. Soomaalida deeganka ayaa Canfaarta kala hortagay iska caabin xooggan waxaana la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ilo wareedyo ku sugan degmada Danlaheylay ayaa sheegay in dhanka Soomaalida ay laba qof dhawaac tahay, kalana ah Waaberi Geeri Aden iyo Ciida Hareed Gurgur.

Biloowga dagaalkan ayaa waxa uu salka ku hayaa kaddib markii biloowgii July ay maleeyshiyaadka Canfaarta soo duldegeen, dhaqdhaqaaqyana ka bilaabeen duleedka degmada Danlaheylay.

3) July 4

Degmada Gallaadi ee gobolka Doollo waxaa hawlgalo ballaaran ka bilaabay ciidamada ammaanka ee Liyuu Booliska, kana bilaabay tuuloyinka duleedka degmada Gallaadi ee gobolka Doollo, guri gurina looga aruurinayo qoryaha sharci daradda ah. Qabalaha Barakacayaasha ee ku yaal duleedka degmada Gallaadi ayey Liyuu Boolisku galabta ka soo qabteen saddax qori sida ay noo xaqijiyeen dadka degaanku.

4) July 5

Degmada Bookh ee gobolka Doolo waxaa tobankii beri ee la soo dhaafay la soo darsay xaalad caafimaad darro iyo dhib ballaaran oo ka bilaabatay cudurka shuban-biyoodka, inta la ogyahayna asiibay illaa sagaal qof. Maamulka gobolka Doollo ayaan illaa iyo hadda wax jawaab ah ka bixin xalladda caafimaad-darro ee la soo daristay gobolka.

Diiwaanka wararka DDS

Radio Daljir

Wararkii ugu danbeeyey ee DOWLAD DEEGAANKA SOOMAALIDA kala soco Warbaahinta HLGAN MEDIA

http://halganmedia.net/

 


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com