DFS & Turkiga oo ka wada hadlay Caqabadaha ay la kulmaan Ganacsatada Soomaalida

DFS & Turkiga oo ka wada hadlay Caqabadaha ay la kulmaan Ganacsatada Soomaalida

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar iyo wefti u hoggaaminayo oo socdaal shaqo ku jooga wadanka Turkiga, ayaa maanta kulan laba geesood ah la qaatay dhiggiisa Wasiirka Ganacsiga ee dalkaasi Dr. Mehmet Muş oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka Ganacsiga labada dal iyo dhibbaatadii dhawaan ku dhacday Ganacsatada Soomaaliyeed ee Ankara.

Kulanka, ayaa waxa Wasiirka ku wehelinayey Safiirka Soomaaliya ee Turkey Amb. Jaamac Caydiid, U-qaabilsanaha Ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Mardiya Maxamed Cabdi iyo mas’uuliyiin kale, waxaana ay labada dhinac isla-garteen in culayska laga dul-qaado Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku ganacsata magaalada Ankara sidoo kale na loo fududeeyo sharciyadooda la xidhiidha Ganacsiga iyada oo sidoo kale na Ganacsatada looggu baaqay inay ilaaliyaan sharciga dalkaasi.

Dhinacyadu, waxa kale oo ay ka wada-hadleen iskaashiga iyo xoojinta xidhiidhka Ganacsi iyo dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal isla-mar-ahaantaana sida ugu dhakhsiyaha badan loogga shaqeeyo siddii loo soo gebo-gabayn ama loo soo dhammeystiri lahaa heshiiska TEPA ee iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Soomaaliya iyo Turkiga oo maraaya heer-gebo-gabo ah kaas oo fududeyn doona ganacsiga labada dal, sidoo kale na kor-u-qaadi doona siddii ay Soomaaliya dheeli-tir ganacsi u la yeelan lahayd wadanka Turkiga.

Dalka Turkiga, ayaa ka mid ah wadamada ay Soomaaliya lahaayeen xidhiidhka ganacsi ee soo-jireenka ah, waxaana muddooyinkii dambe horumaro waaweyn laga gaadhay iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo weli ba dhiiri-gelinta Maal-gashiga labada dal kuwaas oo abuuray maal-gashiyo labada dal iyo shaqo abuur inta ba.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com