DFS oo sheegtay inay dishay Xubno ka tirsan Alshabaab

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheeysan ayaa waxaa fuliyay Ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee DANAB waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay bartilmaameedsadeen shir Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Caraboow oo 50-km ujira degmada Bu’aale ee gobolka jubada dhexe.

Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka ee DANAB G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in Ciidanka ay howlgalkaas ku dileen Saddex Sarkaal oo mid kamid ah uu kasoo jeedo dalka Maali, kaasi oo lagu magacaabo (Abuu Ayman waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in magacyada labada Sarkaal ee kale oo Soomaali ah ay dib kasoo sheegidoonaan,isla markaana Ciidamada Kumaandoosta Danab ay bur buriyeen Xaruntii uu shirka ka socday.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Mamaulka Jubbaland aya bilihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka,waxaana Saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in u jeedkooda uu yahay la wareegtaanka degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.’

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com