DFS oo sheegtay in uu baxsad yahay hogaamiyihii Al-shabaab Axmed diiriye (dhegayso)

Afhayeenka Wasaarada Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Xildhibaan oo maanta lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in uu khilaaf ka dhexjiro hoggaanka ugu sareeya Al-Shabaab,kadib qarixii khasaaraha badan geystay ee 14,kii Octoper ee Sanadkaan ka dhacay Isgoyska zoobe ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenk Wasaaradda Amniga ayaa waxa uu sidookale uu sheegay in saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Shabaab ay la soo xiriirayaan Sheekh Muqtaar Roobow oo wadahadal kula jira DFS, ayna isasa sootarayaan xubnaha ka soo goosanaya Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in sirdoonka DFS soomaaliya uu helay xog ah in horjoogihii Al-shabaab Axmed Diiriye lagu xukumay dil uu ubaxsaday dhanka Jubaland.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com