Site icon Radio Daljir

DFS oo sheegtay in sabtida Daljirka daahson uu ka dhici doono Banaanbax

War-saxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu ay mucaaradka ka dalbatay in banaanbaxa u qorsheysan lagu qabto garoonka kubadda cagta ee Eng. Yariisow.

Kulan ay isugu yimaadeen guddiga qabanqaabada banaanbaxa ayaa lagu kala tagay iyadoo xubnihii gudiga ee ka socday dowlada federalka ay diideen in uu banaanbaxu ka dhaco Daljirka Dahsoon.

Hase yeeshee xukuumada federalka ayaa bedeshay mowqifkeeda waxayna soo saartay Warsaxaafadeed ay ku aqbashay.

Back to Home page