DFS oo shaacisay xiliga rasmiga ah ee la furayo dulimaadyada dalka

HomeWararka

DFS oo shaacisay xiliga rasmiga ah ee la furayo dulimaadyada dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay xilliga rasmiga ah ee dib loo furayo howlihii duulimaayadda ee dalka. Garoonka diyaaradaha Aad

Boosaaso: iskutashi bulsho oo lagu soo iibsanayo qalabka Ogsajiinta
Gudomiyaha Gobolka Mudug Feysal Sheekh Cali oo Daljir uga warbixiyey kulamo uu la qaatay
Ukraine oo ku baaqday Shirweyne Nabadeed iyo inay Raashiya wajahdo Maxkamad Caalami

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay xilliga rasmiga ah ee dib loo furayo howlihii duulimaayadda ee dalka.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa muddo saddex bilood u xayirnaa Coronavirus awgiis, iyadoo uu la mid ahaa garoomada caalamka ee xayiraada la geliyay.

War ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa sheegtay in horraanta todobaadka soo socda dib loo furayo duulimaadyada gudaha ee dalka.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa bishii Maarso ee sanadkan hakisay duulimaadyada gudaha iyo dibadda, sababo la xiriira faafitaanka cudurka Coronavirus oo adduunka oo dhan saameeyay.

Duulimaadyada dibadda ayaa iyana la filayaa in ka furo dhamaadka bishan, sida qorshuhu yahay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: