DFS oo shaacisay inay 5 Malyan oo dollar u qoondaysay la taacalida CONVID-19 (Daawo)

Ra’iisul Wasaaaraha Jamahuuriyadda Federaalka ah Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caawa shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay 5 Milyan oo Doollarka mareykanka ah u qoondeysay la tacaalidda caabuqa COVID- 19, dhammaan dalka oo dhan.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha aya ku dhawaaqay in la xirayo dhammaan goobaha waxbarashada sida dugsiyada iyo jaamacadaha, laga billaabo maalinta barri ah iyada oo ay xirnaan doonaan muddo 15 maalin ah, si looga hortago faafidda caabuqa CONVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muwaadiniinta faray in la joojiyo kulamada waaweyn, iyo isku soo baxyada fagaarayaasha.

Dowladda ayaa ku howlan dhamaystirka xarumo lagu karantiilo, laguna hubiyo dadka looga shakiyo cudurka, halka Isbitaalka Martiini loo asteeyay in lagu daweeyay bukaannada uu cudurku haleelo – Alla ma qaddaree-.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed kala hadlay saameynta uu dhaqaalaha dalka ku yeelan karo caabuqaan iyo sida looga hortagi lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in loo midoobo, ka hortagga caabuqan, isla markaana la raaco timaamaha hay’adaha dowladda ee ku howlan howshan.

Hoos ka daawo hadalka Khayre.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com