DFS oo Puntland iyo Jubbaland ugu yeertay shirka Muqdisho

DFS oo  Puntland iyo Jubbaland ugu yeertay shirka Muqdisho

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Villa Somaliya ayaa loogu baaqay Puntland iyo Jubbaland inay ka qeyb qaataan ka qeyb galka dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka.

Halkan hoose ka akhriso:-

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com