DFS oo Madaxda Maamul Goboleedyada ka codsatay xisaabcelin caawimada DFS

DFS oo Madaxda Maamul Goboleedyada ka codsatay xisaabcelin caawimada DFS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maamul goboleedyada ku shirsan Kismaayo ka codsatay in ay keenaan xisaab-celin ku aaddan “isticmaalka lacagaha dawladda dhexe ay u gudbiso dawlad goboleedyada”.

Warqad todobaadkan ka soo baxday xafiiska wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya oo BBC ay heshay nuqul ka mid ah ayaa lagu sheegay in “la soo gaaray xisaab celin dhamaystiran oo daboolaysa isticmaalka lacagihii dawladda federaalku soo gaarsiisay muddadii u dhaxaysay 1 Janaayo ilaa 30 Juunyo loo diri lahaa wasaaradda maaliyadda.

Waxaa kaloo la weydiistay maamullada in ay keenaan xisaab celinta lacagihii 2017 ka soo gaaray dowladda.

Warqadda ka soo baxday xafiiska wasiirka waxaa lagu sheegay in xisaab celinta ay shuruud u tahay “barnaamijka deyn-cafiska ee dawladdu ay heshiiska kula gashay hay’adda IMF”.

Waxaa kale oo lagu xusay barnaamij shuruudiisa ay ka mid tahay in marka hore la helo xisaab celin “inta aan la soo gudbin lacagaha qaybahooda dambe”.

Warqad kale oo ka soo baxday isla xafiiska wasiirka maaliyadda ayaa bishii May maamullada looga codsaday in “rubuc sannadeed kasta isticmaalka kharashaadka lagu wareejiyey”.

Arrintan ayaa dhirbaaxo ku noqonaysa madaxda maamul goboleedyada ee maalmahan ku shirsanaa magaalada Kismaayo, kuwaasoo qodobbada ay ku dhaliilayeen dawladda federaalka ay ugu weynayd qaybsiga lacagaha deynta iyo deeqda ah ee dawladdu hesho.

Waxaa kale oo aan la hubin sida ay suurtogal u noqonayso xisaabcelinta dawladda federaalka ay dalbatay in la keeno, iyo saamaynta ay yeelan doonto haddii aan la keenin, ama habkii la rabay aan loo marin.

Maamul goboleedyada ayaan weli ka hadlin dalabka xisaab celinta ee dawladda uga yimid.

XIGASHO: BBC

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com