DFS oo ka raadinaysa Beesha Caalamka dhaqaalaha ku baxaya Doorashada

Kulan looga hadlayo dhaqaalaha ku baxaya Doorashada 2020/2021 ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto magaalada Muqdisho sida uu shaaciyay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Ujeedada kulanka oo ah sidii ay dowladu uga heli lahayd beesha caalamka lacagta ay u qorsheysay in lagaga caawiyo qabashada doorashada oo gaareysa $36 malyan oo dollar.

Wasiirka Maaliyada dowlada federalka ayaa dhowaan sheegay in lacagta ku baxeysa doorashada waxa ay dhan tahay $40 Milyan oo Dollar, lacagtaas saami ahaan dowladda Soomaaliya ayaa ka bixineyso lacag dhan $4 Milyan oo dollar, halka Beesha Caalamka laga doonayo inay bixiso $36 Milyan dhammeystirto.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo si hordhac ah uga hadlay lacagtaas ayaa sheegay in loo adeegsanayo Safarada Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Goobaha ay degayaan xubnaha Guddiga, Xafiisyada shaqada, Tababarada Ergada iyo Gunooyinka howlwadeenada.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com