DFS oo ka hadashay xiisad ka jirta magaalada Beledweyne

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Somalia Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa ka hadlay xiisad ka jirta magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan waxana uu baaq nabadeed u diray bulshada reer Beladwayne.

Qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha gudaha ayaa loogu baaqay waxgaradka iyo qeybaha bulshada gobolka Hiiraan inay ka fogaadaan wax walba oo colaad keeni kara ayna tabashadooda ku sheegtaan si nabad ah.

Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay in dowlada federalka ay qorsheyneyso dib u heshiisiin ka dhacda Hirshabelle.

Qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Beledweyne ayaa diidan qaabkii dhamaadkii sanadkii hore loo maareeyey doorashada Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com