DFS oo ka hadashay duqeyn lala beegsaday Xarumo Al-Shabaab leeyihiin

DFS oo ka hadashay duqeyn lala beegsaday Xarumo Al-Shabaab leeyihiin

Dowladdda Federaalka ee Somaaliya ayaa waxaa ay faahfaahin ka bixisey duqeyn dhinaca Cirka ah oo,iyada oo kaashaneysa Mareykanka laga fuliyey Magaalada Dujuuma ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lala beegsaday Xarumo ay leeyihiin Ururka Al-Shabaab laguna burburiyey.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Duqeyntan oo ahayd mid lagasoo baaraandegay ayaa lagu dhaawacay saddex Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaa lagu burburiyey xarun Al-shabaab oo halkaa lagu ogaa.
DFS iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykan ayaa qaadaya tallaabooyin dheeri oo laga taxadarayo waxyeellada shacabka inta lagu gudajiro ladagaalanka kooxda Al-shabaab iyada oo si buuxda loo baarayo eedo walba oo soobaxa. Imankadan la joogo ma jirto cid rayid ah oo wax ku noqotay hubintii la sameeyey weerarkan isaga ah.

Duqeymaha dhawaanahan lagu beegsanayay xubno ka mid ah madaxda Al-Shabaab ayaa waxay ka dhigantahay in Dawladda Federaalka Soomaaliya ciidankeeda gaarka ah ee DANAB oo gacan ka helaya Ciidanka AFRICOM ee Mareyka ay ka go’antahay jabinta kuwa argagaxa iyo dibindaabyada ku haya dadka Soomaaliyeed.

Haweenka Soomaaliyeed dawr muhiim ayay ka qaataan dibudhiska Dawladda Federaalka Soomaliyeed iyo qaabeynta dhaqanka. Dumarka ku biira Alshabaab qanaacadooda darteed ama taageera falalkooda argagaxiso waa AlShabaab. Ragga iyo dumarka oo si qasab ah loogu daray Al-shabaab ama lagu dirqiyey inay taageeraan afkaarta marinhabowsan ee Alshabaab ayaa wali waxay haystaan fursad ay kaga soo baxsan kartaan Alshabaab. DFS, Xooga Dalka, Ciidanka Danab iyo dadka Soomaaliyeed ee hubka u qaaday ee kula dirira Alshabaab ayaa kadaalin dagaalka ay kula jiraan cadowga Alshabaab waxay intaa u marayaan in ay dadka Soomaaliyeed kusoo dabaalaan nabad iyo dhul xasilan.

DFS iyo dowlad Goboleedyada iyo bahwadaagtooda caalamiga dhamaan way ka go’antahay ladagalaanka argagaxisada Alshabaab iyada oo aan loo eegay rag iyo dumar ka ay doonaan ha ahaadeene si markaa looga baaqsado dhimashada soo gaadha dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ee leh rag, dumar iyo carruurta Soomaaliyeed iyo dalalka nala deriska ah. Dadaaladan aynu ku ilaalinayno shacabka ayaa aad uga duwan falalka gurracan ee ay Alshabaab weerarro aan loo meeldayin had iyo jeer ku beegsadaan meelaha shacabka ku badanyihiin ee Dalka Soomaaliya ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta.

Waa duqeyntii Saddexaad oo todobaad gudihiis Mareykanka uu ka fuliyo deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe o ay gacanta ku hayaan ururka Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com