DFS oo ka hadashay duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe

DFS oo ka hadashay duqeyn ka dhacday Jubbada Dhexe

Dowladda Soomaaliya. oo kaashanaysa Taliska Ciidanka AFRICOM ayaa duqeyn cirka ah ka gaystay meel u dhaw degmada jilib ee gobolka Jubbada dhexe, ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Duqeyntaas lagu dilay hal (1) ka tiran Al-Shabaab iyada oo lagu dhaawacay mid kale. Sidoo kale waxaa duqeyntan lagu burburiyey xero Ciidan oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen goobtaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka waa ay ka go’antahay la dagaalanka Daacishta Soomaaliya iyo Al-Shabaab, si loo baajiyo dhimashada dadka rayidka ah ee leh rag, haween, carruur ee ku dhaqan dalka Soomaaliya iyo Dowladaha deriska la ah Soomaaliya ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Dowladda.

Marka laga soo tago Warkaan kasoo yeeray Dowladda Soomaaliya ayaa Wararka la helay waxaa ay sheegayaan in duqeyntii Maanta ee degmada Jilib in lagu dilay laba Carruur laguna bur buriyay Guryo ay deganaayeen dad rayid ah.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com