DFS oo faahfaahisay dagaal ka dhex dhacay gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay ku guuleysteen in ay soo afjaraan howlgalkii ka socday Gudaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho,sida uu Warbaahinta Dowladda u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar.

Howlgalka ayaa ka dambeeyey kadib markii qaar kamid ah maxaabiista xabsiga Dhexe ay halkaasi shaqaaqo ka sameeyeen gelinkii dambe ee maanta,iyadoo ciidamadu ay toogteen qaar kamid ah dadkii maxaabiista ahaa ee shaqaadadaasi ku lug lahaa.

Ilaa 6 kamid ah maxaabiistii dagaalamaysay ayaa goobtay lagu toogtay,4 ayaa la qabtay,iyadoo ay dhaawacmeen 6 kale, oo ragii dagaalamay kamid ah,Waxaa goobta ku sugan ciidamada amniga iyo saraakiishooda,iyadoo weli ay socoto xaqiijin ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee shaqaaqaddaasi ka dhashey

Xaaladda ayaana haatan ku soo laabatay si caadi ah,waxaana la filayaa in laamaha Ammaanka Soomaaliya ay faah faahin ka bixiyeen.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com