DFS oo faahfaahin kabixisay duqayn ka dhacday Sh/Hoose

DFS oo faahfaahin kabixisay duqayn ka dhacday Sh/Hoose

Ciidaanka Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidamada Africom ee Mareykanka ayaa la sheegay inay howlgal ku dileen Xubno ka tirsan AL-shabaab,kaas oo ay ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose

Howlgalkaasi oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday nawaaxiga magaalada Kuunyo Barrow, Duqeyntaas ayaa saraakiil ka tirsan cidianka dowlada

War-Saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaas ayaa ka qeyb ka ah qorshe Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo isbahaysiga caalamiga ee sii wadidda dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

“Dowladda Federaalka iyo bahwadaageeda Mareynkanka ayaa si aad uga taxadara ilaalinta waxyeello soo gaara dadka rayidka ah inta lagu gudajiro duqeymaha habeysan,Hubintii la sammeeyey ayaa lagu ogaaday in duqeynta imanka dhacday aysan jirin cid shacab ah oo ku dhimatay ama ku ku dhaawacantay ayaa lagu yiri”Warka kasoo baxay dowladda.

Mareykanka oo kaashanaya Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa horay dhowr jeer waxaa ay duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaano ka tirsan Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,waxaana duqeymaha qaarkood ku waxyeelooba dad rayid ah.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com