DFS oo degaanada xeebaha Galmudug ka sifaynaysa Alshabaab (Daawo)

DFS oo degaanada xeebaha Galmudug ka sifaynaysa Alshabaab (Daawo)

Wasiirka amniga gudaha XFS mudane Maxamed Abuukar Islaaw oo uu wehliyo wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka, ayaa duleedka magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay Taliska qaybta 21-aad, guddiga amniga caasimadda Galmudug iyo taliyaasha laamaha amniga oo dhan.

Wasiirka amniga ayaa saraakiisha ciidanka kula dardaarmay ka shaqeeynta qarannimada iyo midnimada si xoreeyo deegaannada Galmudug ee wali Argagaxisadu ay ka waddo gummaadka ummadda Soomaaliyeed, loona hubiyo fulinta mashaariicda horumarineed ee ay qaybta ka tahay dhismaha dekadda Hobyo.

Taliyaha guutada 15-aad ee qaybta 21-aad, Gen. Mascuud Maxamed Warsame oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in isku-dhafkii ciidanka ay sare u qaaday qorshaha sugidda amniga, midnimada, wada-shaqeynta ciidanka ka dhexeysana ay argagaxisaduna ku abuurtay cabsi iyo welwel joogta ah.

Gen. Mascuud Maxamed Warsame ayaa bulshada deegaannada Galmudug guud ahaan ka codsaday in ay kala shaqeeyaan adkeynta amniga, iyo xoreynta deegaannada Khawaarijtu ay wali ummadda ku dhibaateyneyso.

Maxamed Abuukar Islaaw oo caddeeyay in hoggaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay ciidanka ku garab taaganyihiin shaqada ballaaran ee ay qaranka u hayaan, ayaa dhamaan reer Galmudug ka codsaday in ay muujiyaan isku duubni iyo wada-shaqeyn horseedda gaaridda horumarka la tiigsanayo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com