Site icon Radio Daljir

DFS oo agab Caafimaad gaarsisay dhuusamareeb

Mas’uuliyiin ka socota xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno ka tirsan guddiga qaran ee ka hortagga COVID-19 ayaa maanta agab caafimaad geeyay magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Agabkan ayaa loo adeegsan doonaa sidii loo xakameyn lahaa safmarka Coronovirus, waana maamulkii sadexaad oo agabkan la gaarsiiyo.

Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeele ayaa horey loogu wareejiyay agabkan ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya oo loogu talagalay in lagula tacaalo Cudurka COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa amray in dhammaan maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir dowladdu gaarsiiso agab iyo maaliyad loo adeegsado ka hor tagga safmarka Coronovirus,waxaana dhawaan sidoo kale la gaarsiin doonaa Maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

Exit mobile version