?DFKS & AMISOM kaliya dagaal kulama jiraan argagixisada, waxaa ka culus kan aan kula jirno? M/weyne Faroole.

Garowe, Decembar, 05 ? Madaxwayanha dawladda Puntland Dr C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in dawladiisu ay dagaal culus kula jirto argagixisada caalamka, waxaana uu madaxwaynuhu hadalkiisa raaciyay ?DFKS & AMISOM kaliya dagaal-kulama jiraan argagixisada, waxaa ka culus dagaalkooda kan ay kula jirto Puntland, shacabkana waxaan ugu baaqayaa inay u istaagaan sidii loo tirtirilahaa argagixisada caalamka?.

Madaxwayne Faroole ayaa sidoo kale ka hadlay ammaanka Puntland waxaana uu tilmaamay inay jiraan shirar badan oo ay ogyihiin, kuwaasoo waxa uu ugu yeeray argagixisadu kuwada qaateen magaalada Baydhabo oo madaxwaynuhu soo hadal-qaaday, waxaa uu hadalkiisa raaciyay in shirarkaasi looga arrinsanayay sidii weerar iyo dagaal loogu qaadilahaa dhulka ay nabaddu ka jirto oo ay ugu horayso Puntland, waxaana uu tilmaamay hadafkoodu inuu yahay sidii loo dili lahaa dhammaan aqoon-yannada Soomaaliyeed iyo culumada taqaana diinta islaamka, si loo waayo dad wax u sheega bulshada Soomaaliyeed.

Hadalkaan ayaa maantay madaxwayne Faroole uu ka jeediyay shir-jaraa?id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Puntland, shirkaasi oo uu tacsi tiiraanyo-leh ugu diray dhammaan eheladii iyo qaraabadii dadkii uu ka geeryooday Allaha u naxariistee marxuun Dr Axmed Xaajji C/raxmaan oo saakay salaadii subax kaddib lagu dilay masjidka Xamiid ee magaalada Bossaso.

Maxamed C/llaahi Cali ?Kooshin?
Radio Daljir Garowe.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com