DF Soomaaliya ”Shaqada Garoonka Aadan Cadde Uma Hakan Sababo Amaan” (dhegayso)

DF Soomaaliya ”Shaqada Garoonka Aadan Cadde Uma Hakan Sababo Amaan” (dhegayso)

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan ayaa beeniyay warar maalmahan la isla dhexmarayay oo kusaabsan inay hakad gashay shaqadii garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Muqdisho ayaa goor sii horaysay baahisay inay suurtagal tahay weeraro ka dhan ah garoonka oo ay fuliyaan ururka Al-shabaab, iyagoo adeegsanaya gaadiid dagaal oo ay ka qabsadeen ciidamada AMISOM.

Wasiirka ayaa sheegay inuu jirin wax hakad ah oo ku yimid shaqadii garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana uu sheegay shaqada inay ku socoto sideedii hore oo habeen iyo maalin ay shaqaynayaan.

Marka laga yimaado hadalka wasiirka dad badan oo kadhoofi lahaa garoonka ayaa u baaqday sababo ammaan iyo walaac ay ka qabaan xaalado amni oo garoonka ka dhacda gaar ahaana weerar uga yimaada Al-shabaab.

Hoos kadhegayso

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com