Site icon Radio Daljir

Degmadda Matabaan ee gobalka Hiraan oo guddoomiye cusub loo magacabay

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladdaha hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa guddoomiye cusub u magacaabay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Maxamed Sheekh Maxamuud (Dhoobeey) ayaa loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha cusub ee degmada Matabaan Hiiraan,halka guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan loo magacaabay Ducaale Aadan Cabdi.

Maamulka Hirshabelle ayaa inta baddan waxa uu bedela maamulada degmooyinka gobolka Hiiraan iyadoo lagu eedeeyo inuusan waxba ka bedelin maamulada ka jira degmooyinka gobolka Sh/dhexe.

Dhawaan ayaa guddoomiye cusub loo magacaabay degmada Buuloburte ee isla gobolka Hiiraan.

Exit mobile version