Degmada Cadale oo lagu soo dhaweeyay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya

Degmada Cadale oo lagu soo dhaweeyay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Hirshabelle iyo Mas’uuliyiin kale ayaa soo dhoweeyay wafdiga Madaxweynayaashii hore ee dalka Soomaaliya.

Safarka Madaxdii hore oo ahaa safar dhinaca dhulka ah ayaa waxaa saaka ambabaxeen Muqdisho, iyagoo sii maray Degmada Warsheekh iyo deegaano kale, waxaana degmada Cadale ay joogi doonaan dhowr cisho ah, wadatashiyo iyo kulamo ayay la yeean doonaan waxgaradka, siyaasiyiinta iyo bulshada deegaanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com