War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax laga maqlay bartamaha magaaladaasi, inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u caddayn kadha halka uu ka dhacay iyo sida uu u dhacay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in jugta qarax la maqlay uu ahaa kaydka haamaha dabka laga dhaliyo oo qarxay iyo shidaal isbeegsaday.
Wararku waxay sheegayaan in qaraxaasi oo laga maqlay magaalada qaarkeed uu kadhacay inta u dhexaysa Baana-raama iyo Xalwo Kismaayo, waxaana xigey rasaas goos goos ah oo laga maqlay agagaarkaasi sida ay Daljir u sheegeen dad aaga ku sugan.
Xaaladda ammaan ee Boosaaso ayaa soo hagaagaysay todobaaddadii ugu dambeeyey iyadoona ciidanka ammaanku ay ku guulaysteen adkaynta ammaanka iyo qabqabashada dhagar qabayaasha.
U Jawaab axmad maxamd mire 7151608 Buri halceliska