Site icon Radio Daljir

Wacaal Daray ah: Alshabaab oo Sheegatay Qabsashada Af Urur

Malayshiyaadka ururka Alshabaab ayaa ka hadlay weerar gaadmo ah oo ay xalay ku qaadeen fariisin ciidanka dowladda Puntland ku lahaayeen deegaanka Af Urur ee gobolka Bari.

Afhayeenka howlgallada maleyshiyada Alshabab Abu Muscab ayaa sheegay inay qabsadeen saldhigii ciidankooda ay soo weerareen ayna dileen ciidamadii ku sugnaa halkaasi, sidoo kalena ay qabsadeen gaadiid dagaal.

Dowladda Puntland weli kama aysan hadlin weerarkaasi, iyadoona ay jiraan warar sheegaya in ciidan gurmad ah ay isla markiiba gaareen goobta dagaalka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Exit mobile version