Site icon Radio Daljir

“Dawladda Turkiga ayaan ka helnay deeq waxbarasho oo cusub” Wasiirka waxbarshada ee federaalka.

Muqdisho, Dec 13 – Wasaaradda waxbarshada Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay heshay deeq cusub oo waxbarsho dalka Tukiga ah,kadib markii dhawaan magaalada Muqdisho uu booqday ra’isal wasaare kuxigeenka dalka Turkiga.

Wasiirka waxbarashada Dowladda KMGS Dr Axmed Ceydiid Ibraahim oo isagoo ku sugan magaalada Muqdisho waraysi siiyay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay wasaaradiisa inay deeqo waxbarasho ay dhawaan ka heshay dalka Turkiga taasi oo gaaraysa 500-oo kursi.

Wasiirka ayaa sheegay deeqdan inay ka dhalatay kadib markii dhowaan magaalada Muqdisho uu booqday ra’isal wasaare kuxigeenka dalka Turkiga islamarkaana uu u balanqaaday wasiiradiisa inuu siin doono deeqda 500-oo arday Soomaliyeed ah oo isugu jirta jaamacado iyo dugsiyo sare oo ku yaala dalka Turkiga.

Wasiirka Waxbarashada Dr Axmed Ceydiid Ibraahim ayaa dhinaca kale sheegay wasaaradiisa inay usoo bandhigi doonto ardayda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dalka ka joogaan deeqda waxbarsho ee dhawaan ay ka heshay dalka Turkiga si’ay uga faa’iidaystaan.

Dowladda Turkiga oo arimaha Soomaaliya si gaar ah ugu soo jeestay tan iyo markii abaartii ugu xumayd mudo 60-sano ay ku dhufatay gobolo katirsan dalka Soomaaliya ayaa horay sidaan oo kale deeq waxbarsho oo dalkaasi ah ugu qaaday inka badan 600-oo arday oo kasocotay gobolada Puntland,Somaliland iyo koonfurta dalka Soomaaliya.

Maxamuud Cabdi Ibraahim
Radio Daljir.

Daljir.com

Exit mobile version