Dawladda Soomaaliyaoo beenisay inay jiraan maleeshiyaad abaabulan oo doorashada ka soo horjeeda

Dawladda Soomaaliyaoo beenisay inay jiraan maleeshiyaad abaabulan oo doorashada ka soo horjeeda

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-cadaala) ayaa sheegay inay been abuur yihiin muuqaallo maalmahan lagu baahiyey baraha bulshada iyo saxaafadda qaarkeed, kuwaas oo lagu sheegay inay yihiin maleeshiyaad doorashada ka soo horjeeda oo duleedka Muqdisho isku abaabulaya.

Al-cadaala ayaa xusay in muuqaalka la baahiyey uu yahay mid hore oo loo duubay ujeedda ka duwan tan lagu sheegay, ciidamada ka muuqdana aysan ahayn fallaago u abaabulan inay amni darro abuuraan.

Waxa uu u jeediyey warbaahinta iyo dadka sida ka fiirsi la’aanta ah muuqaaladaas la marin habaabiyey iyo kuwa la mid ka ah baahinaya, inay ka dhawrsadaan macluumaad aysan hubin inay faafiyaan, kaas oo si sahal ah ku abuuri kara amni darro, taas oo dhaawacaysa amniga Qaranka, sharafta ciidanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Colaad hurintu ma aha dimuquraadiyad, been sheegistuna maaha madaxbanaan” ayuu yiri mudane Al-cadaala.

Muuqaalada lagu baahiyey Telefeshinada maxaliga ah qaarkood iyo baraha bulshada ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay aad ugu faafay bulshada dhexdeeda, kuwaas oo ay ka muuqdeen ciidamo aan isku dhar ahayn oo wata gaadiid dagaal.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowladda Soomaaliya ayaa qoraalka ku daabacay Page-ka uu ku leeyahay barta baraha bulshada ay ku xiriiraan ee facebok

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com