Dawladda Puntland waxay ka Tacsiyaynaysaa Geerida ku timid Garaad Ali Buraale Xasan

Dawladda Puntland waxay ka Tacsiyaynaysaa Geerida ku timid Garaad Ali Buraale Xasan

Inaa Li’laahi Wa’inaa Ileyhi Raajicuun

TIX/0073/2018
February 03, 2018

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Tacsi u diray dhammaan Shacabka Puntland, Qoyska iyo Eheladii Allaah ha’u naxariistee Marxuum Garaad Cali Buraale Xasan oo ku geeriyooday Laascaano saaka aroortii oo uu in muddo ah ku xanuunsanaa, Marxuun Garaad Cali Buraale Xasan ayaa ka mid ahaa Isamada Puntland.

Ugu Danbeyntii wuxuu Madaxweynuhu Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Allaah uga Baryay Marxuumka uu Janno Fardowso ka waraabiyo Aamiin Aamiin, Illaahayna samir iyo iimaan waasica Alle haka siiyo qaraabadii Ehelkii Asxaabtii iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Deegaanada Puntland oo uu Isim ka ahaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com