Dawladda Puntland oo taageertay soo galitaanka ciidanka Ethopia

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa soo dhawaysey faragelinta militeri ee ciidamada Ethiopia ka wadaan qaybo ka mid ah gobolada dhaca Bartamaha iyo Koonfurta Somalia.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtoyada Puntland ayaa hadalkan lagu sheegay maanta 02,jan,2012 waxana Puntland ay soo dhaweysey talaabo kasta oo dalka looga sifeynayo kooxda argagixisada caalamiga ah xiririka la leh ee Alshabaab.

Puntland waxay sheegtay in hawlgalkan qayb ka yahay olole ay wadaan DF Somalia ,Puntland,Ahlu Sunna iyo dadweynaha ku dhaqan gobolada Bartamaha iyo koonfurta Somalia,iyagoona kaashanaya ciidamada nabad ilaalineed ee Midowga Afrika ,Kenya iyo Ethiopia ay dagaal intuba kula jiraan kooxda Alshabaab sidii dalka looga saari lahaa.

Qoraalkaan kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu cadeeyay in Xukuumadda Puntland aysan u arag soo gelitaanka Ethiopia mid wax u dhimaya madaxbanaanida Somalia, amaanka iyo maslaxda dalalka IGAD oo dhan, waxaana warsaxaafadeed-ku uu qeexayaa inay dhammaantood isku xiran-yihiin.

Bayaankaan kasoo baxay dawladda Puntland ayaa kusoo beegmaya, xilli Labo maalmood ka hor ay ciidamada DFKS oo kaashanaya ciidamo Ethiopian ay gacanta ku dhigeen degmada Beladweyne ee gobolka Hiiraan,waxana ay dhabarjab ku noqotey maleeshiyaadka kooxda Alshabaab oo gabalkoodi sii dhacayo.

Diiwaanka Wararka
Daljir Garowe http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com