Dawladda Puntland oo idaacadaha maxaliga ah ku amartay in ay joojiyaan baahinta VOA-da.

Garowe, Oct 02 – War qoraal ah oo ka soo baxay maamulka Puntland ayaa lagu amray idaacadaha maxaliga ah ee ka howl-gala deenaada Puntland in ay joojiyaan sii daynta wararka iyo barnaamijyada idaacadda VOA-da laandeeda ku hadasha Af-Somaliga.

Amarkaan oo ay si wada jira ah u soo saareen habeenkii xalay ahaa wasaaradaha amniga iyo warfaafinta Puntland, ayaa lagu hakiyey howlihii warbaahineed ee idaacadda VOA-du ay ka wadday deegaannada Puntland, iyadoo idaacadaha gudahana lagu wargaliyey in aysan siidayn Karin wararka iyo barnaamijyada kale ee idaacaddaasi oo ay horay u siidayn jireen qaar ka mid idaacadaha guduhu oo ay ka mid tahay idaacadda Daljir oo ka howl-gasha dhammaan gobollada Puntland.

Joojinta idaacaddaasi ee deegaannada Puntland, ayaa maamulku ku micneeyey in ay timid kadib markii ay baahisay warar iyo barnaamijyo been abuur ah oo ka dhan ah nabad-galyada iyo jiritaanka dawladda Puntland sida lagu sheegay qoraalka ay sida wada jirka ah u soo saareen wasaaradaha amniga iyo warfaafintu.

Idaacadaha maxaliga ah ee ka howl-gala gobollada Puntland ayaan saakay siidayn wararka iyo barnaamijyada laanta Af-Somaliga ee VOA, waxaana taasi ka danbaysay kadib markii xafiisyadooda loogu geeyey qoraallada lagu hakinayey baahinta idacaddaasi isla markaana lagu amray in ay u hoggaansamaan.

Qoraalkii xalay ay soo wada saareen wasiiradda wasaaraha amniga iyo warfaafinta ee lagu hakinayey baahinta VOA-da, waxaa ka sii horreeyey qoraalka shalay ka soo baxay labadaan wasaaradood, kaas oo ay ku saxiixnaayeen wasiir kuxigeen wasaaraddaasi C/shakuur Mire Aadan, iyo wasiirka amniga C/laahi Siciid Samatar, qoraalkaasi oo shaqada looga joojinayey wariyaasha idaacadda VOA-da ee ka howl-gala Puntland.

Shir jaraa?id oo ay qabteen maanta labadaan mas?uul ee soo wada saaray hakinta howlaha shaqo ee VOA-da, waxay ku sii adkeeyey idaacadaha gudaha in aysan siidayn karin wararka iyo barnaamijyada idaacadda VOA-da waxayna ugu hanjabeen idacaddii siidaysa in ay la kulmi doono ciqaab aad u adag.

Ma jiro wax war ah oo wali ka soo baxay maamulka iyo mas?uuliyiinta idaacadda VOA-da ee fadhigeedu-yahay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, oo ay kaga hadlayaan hakadka la galiyey howlihii warbaahineed ee ay ka wadeen Puntland.

C/fitaax Cumar Geeddi?
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com