Dawladda Kenya oo xabsi daa?im ku xukuntay nin qirtay inuu fuliyey qaraxyo ka dhacay Nairobi.

Nairobi, Oct, 28 – Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa maanta (Jimce) xabsi daa?in ku xukuntay nin lagu helay inuu fuliyey qarax dhawaan ka dhacay magaaladaasi uuna ku lug lahaa qaraxyo kale, kaas oo la sheegay inuu ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Ninkaan oo ka soo jeeda Galbeedka Kenya ayaa 5 sano ka hor qaatay diinta Islaamka wuxuuna la baxay magaca Max?ed Seyf, wuxuuna markii xukunku dhacay ka dib isagoo dhoolla cadaynaya saxaafadda u sheegay inuusan ka xumayn wixii uu sameeyey aysanna jirin wax racfaana oo uu dalbanayo.

Waa markii ugu horreysay oo maxkamad ku taalla dalka Kenya ay xukun ku riddo qof ka tirsan xarakada Al-shabaab, mana jiro ilaa iyo hadda war xukunkaas ku saabsan oo ka soo baxay ururkaasi Al-shabaab.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com