Dawladda Japan oo dhaqaale ugu deeqday Dalka Soomaaliya

Yokahama?June 2013 Dawladda Japan ayaa lacag gaareysa 55.4 Million dolar ?ugu deeqday Dawladda Soomaaliya ka dib shir gaar ah oo lagu qabtay magaalada ykohama ee Dalka Japan,shirkaan ayaa waxaa wadda shir gudoominayey raisalwasaaraha Japan iyo madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

?Ra?isal Wasaaraha dalka Japan waxa uu shirkaasi kaga dhawaaqay in dowladdiisa ay Soomaaliya ugu deeqeyso Lacag dhan 55.4 Million oo dollarka Mareekanka ah, si looga caawiyo Soomaaliya dib u dhiska iyo Tayeenta Ciida qalabka Sida.

Shinzo Abe Ra?isal Wasaaraha Waddanka Japan ayaa intaasi waxa uu kudaray in loo baahanyahay in qaaradda Afrika iyo dowladda Japan Xiriirkii soo Jireenka ahaa ee ka dhexeeyay dib loo soo nooleeyo Maadaama uu sheegay in dowladdiisa ay quud dareyneyso in Maal gashi ay ku sameysato Wadamadda Afrika oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Shinzo Abe ayaa shaaca ka qaaday in kaliya aanu ku ekeen deeqdaan Lacageed kaalinta dowladdiisa kaga aadan wax ka qabashada xaaladaha Soomaaliya ee ay qorsheyneyso in Mashaariic iyo Lacago kale ay guddoonsiiso Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ?Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlay deeqdaasi Lacageed ee Japan ay ugu tala gashay Soomaaliya ayaa uga Mahad Celiyay taageerada Muuqata ee Xukuumadda Tokyo ay siineyso waddanka Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa maanta la filayaa inuu madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud uu ?ka qaybgalo shir ballaaran oo Dawladda Japan ay ku martigalinayso hogaamiyeyaasha Africa kaas oo looga hadlayo hormarinta Africa iyo sidii loo sii adkayn lahaa xariirka Africa iyo dalka ?Japan.

Diiwaanka wararka?

Daljir Boosaaso?

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com