Dawlada Kenya boo sheegatay weerar cirka ah oo lagu qaaday Koonfurta Soomaaliya

Garowe, Jan 10, 2014, Dowlada Kenya ayaa manta oo jimca ah Sheegatay in kadanbaysay weerarkii shalay kadhacay Degmada Garbahaarey ee Gobalka Gedo kaasi oo diyaarado ay ku duqeeyeen Xero ciidan oo ay lahayeen Ururka Alshabaab.
?
Kenya ayaa sheegtay in halkaasi ku dileen ugu yaraan 30 kamid ah Alshabaab ayna ku jiraan Saraakiil Sarsare, kadib weerar ay Ciidameeda Kenya ku qaadeen Xero tababar oo ay leeyihiin alshabab, sida ay sheegeen Ciidamad dlka Kenya.
?
Boga ay Ciidamad Kenya ku leeyihiin barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in waxyeelo bilow ah oo la Qiimeeyay ay muujinayso in kabadan 30 Ciidamad Alshabaab ah iyo Taliye Sare lagu dilay Weerar ay qaadeen Ciidamada Kenya.
Sarkaal sare oo kamid ah Ciidamada Kenya ayaa sheegay in xero ay Alshabaab ku lahayeen kulan diyaaraha Dagaalak ee Kenya ay Duqeeyeen.
?
Sarkaal kale ayaa sidoo kale sheegay in Ay wadaan Xaqiijinta Ciidamada kuwa lagu dilay Weerarka, waxna uu intaasi siiraaciyay in shan gari iyo qalab kale oo Tababar lagu burburiyay isla weerarkaasi.
?
Saraakiisha ayaa sheegay in ay la aaminsan yahay in Tiro kale oo alshaab kamdi ah lagu dhaawacay Halkaasi.
Ilaa iyo hadda wax war ah kama soobixin dhanka ururka Alshaab, Balse Dadka Deegaanka iyo Warbaahinta Somalida ayaa shegtay in Weerarkaasi ay ku dhinteen ilaa 10 Qof oo ay ku jiraan Dad Shacab ah.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir?
B

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com