Dawlada iyo Waxgaradka PL oo ku guulaystay siidaynta nin ka soo jeeda Galmudug oo u afduubnaa dad lagu haysto Glmudug

?
Garoowe, March 31, Maamulka, waxgaradka iyo culimo Awdiinka Puntland ayaa ku guulaystay in ay xorriyaddiisii u soo celiyaan Cabdillaahi Cabdiqaadir Warsame, oo 12-kii bishaan dhammaadka ah ee Maarsoi laga afduubtay magaala Garowe.
?
Ninka la afduubtay oo deegaan ahaan ka soo jeeda koonfurta gobolka Mudug oo ah dhulka maamulka Galmudug uu ka taliyo, ayaa loo qafaashay dad kale oo iyana deegaannada Puntland ka soo jeeda kuwaasi oo muddo dhawr bilood ah rag hubaysani ay ku haystaan deegaanno Galmudug ah.
?
Maanta oo Axmed ayaa ugu dambaystii si rasmi ah loogu guulaystay si nabadgalyo raggii haystay ninkaasi gacantooda in laga wareejiyo, loona dhiibo maamulka Puntland, waxaana arrinkaan iska kaashaday ehelada raggii wax afduubtay, culimo iyo maamulka oo lahaa soo jeedinta tallaabada Cabdillaahi Cabdiqaadir Warsame lagu sii daayey.
?
Xaflad lagu maamuusayey sii daynta iyo soo wareejinta ninkaasi ayaa maanta lagu qabtay aqalka madaxtooyada Puntland, taasoo ay ka qaybgaleen maamulka, madax dhaqan, culimo iyo indhaargarad badan oo reer Puntland ah, iyadoo si weyn loo bogaadiyey siidaynta, lana soo jeediyey sidaan oo kale in xorriyaddoodii loo siiyo dadka lagu haysto dhinaca Galmudug.
?
Shiikh Axmad Daahir oo kamid ah culimad ka qayb qaatay siidaynta ninkaan, kana qaybgalay kulankaasi madaxtooyada ka dhacday, ayaa sheegay in aysan bannaanayn qofna in loo qabsado dambi uusan galin, taasna ay tahay sababta tallaabadaan loo qaaday, la doonayana cidkasta in ay ka dheeraato xad-gudub iyo dalmin bani?aadan.
?
Wasiirka amniga Puntland duuliye sare khaliif Ciise Mudan oo dhinaca dawladda o matalayey shirkaasi, ayaa aad ugu mahadceliyey dadkii ka soo shaqeeyey xorriyad u soo celinta Cabdullaahi Cabdiqaadir Warsame, waxaana uu maamulka Galmudug iyo bulshadiisaba u soo jeediyey in ay qaadaan tallaabo tan oo kale ah, laga shaqeeyo sidii loo siidayn lahaa dad reer Puntland ah oo lagu haysto deegaanno maamulka Galmudug ka mid ah.
?
Ugu dambayntiina ninka afduubka laga siidaayey ee Cabdillaahi Cabdiqaadir Warsame, xirnaana muddo 19 cisho ah, haatan dib u helay xorriyaddiisii dadaal ay sameeyeen maamulka iyo wax-ku-oolka Puntland kaddib ayaa isna sheegay si wanaagsan in loola dhaqmay muddadii la hayey, uuna ku faraxsan yahay xorriyaddiisa loo soo celiyey.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(G).
?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com