Dawlada imaaraadka oo soo kiraysatay Khubaro dhanka la dagaalanka burcad badeeda ah.

Dubai, June 29- isutagga imaaraadka carabta ayaa ku casumay waddankeeda ciidamo khubaro ah oo qaabilsan la-dagaalanka burcad-badeedda, waxaana ay tababar samaynayaan ciidamada imaaraadka iyagoo tabaabrkaana looga goleeyahay sidoo loo xoojinlahaa dadaalka lagula jiro kooxaha burcad-badeedda ah.

10-ka sarkaal oo koonfur Kuuriya ah ayaa dalka imaaraadka imanya bartamaha bisha July iyadoo 130 askari oo reer Koonfur Kuuriya ahna ay horay ugu sugnaayeenba magaalada Alcayn ee imaaraadka, waxaana warkaasi xaqiijiyey Col. Romano Lee oo ah u qaybsanaha gaashaandhigga ee safaarada Koonfur Kuuriya ee Magaalada caasimada ah ee Abu Dhabi.

Ciidamo si gaar ah u tababaran oo koonfur Kuuriyaan ah ayaa bishii January ee sannadkaan soo furtay markab laga lahaa wadanka Koonfur Kuuriya oo ay afduubeen kooxo burcad-badeed ah Somali ah .

Markabkaasi oo lagu magcaabo Samho Jewellery ee la afdubay islamrkaana ay soo furteen ciidamada Koonfur Kuuriya ayaa la soo badbaadiyey dhammaan shaqaalihii saarnaa inkastoo uu dhaawac soo gaaray Gabtankii markabkaasi.

Ku dhawaaqista imaanshaha ciidamada saraakiisha Koonfur Kuuriya ayaa kusoo beegmaya maalin uun kaddib markii magaalada Abu Dhabi ay soo gaareen ciidamada kuwa badda oo uu leeyahay waddanka Turkiga oo doonaya in ay dhoolatus iyo carbis la-dagaalan burcad badeedda ah la sameeyaan ciidamda badda ee imaaraadka.

Labada dal ee Turkiga iyo Koonfur Kuuriya ayaa iyagu ka qaybgalaya hawl-galka waddamada badan ka kooban ee loo yaqaan hawl-galka iskudhafka ahaa ee la dagaalanka burcad-badeedda, waxana waddamadaasi ay roondayn ka wadaan biyaha gacanka cadmeed iyo badweynta India.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com