David H. Kaeuper. oo Muqdisho soo Gaaray,lana kulmay Madaxwaynaha

Somalia, December 07, 2015-(Daljir)_Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay wakiilka dowladda Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya, David H. Kaeuper.
 
Madaxweynaha ayaa danjiraha uga warbixiyey horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. 
Danjire Kaeuper, ayaa isna dhinaciisa soo dhoweeyay dadaalka dib u heshiisiinta iyo wadatashiyada dhinaca siyaasadda ee dalka ka socda ee ku qotoma arrimaha Hiigsiga 2016-ka.
 
Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa isku afgartey in Soomaaliya laga taageero dhameystirka barnaamijyada siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, si waddanka uu u sameeyo dib u soo kabasho buuxda.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com