David Bowie iyo David Cameroon oo la isku Khalday

Talaado, Janaayo 12, 2016 (Daljir) —War-akhriye (Newscaster) ka tirsan Idaacadda Heart FM ee dalka Britain, laguna magacaabo Fiona Winchester ayaa saakayto si qaldan u sheegtay inuu Ra’isul-wasaare David Cameron geeriyooday, halkii ay ka dhihi lahayd Heesaaga David Bowie ayaa geeriyooday.

Fiona Winchester waxay sidaasi ku sheegtay xilli ay Warka Madaxdiisa ee Idaacadda Heart FM Radio akhrinaysay saakayto abaarihii 08:30 subaxnimo ee xilliga GMT.

Balse isla markii ayey isa saxday oo ay tiri David Bowie ayaa geeriyooday.

Haddaba, Shaqsi noocee ah ayuu ahaa David Bowie?

Waxa uu ahaan Fannaan caan ah, wuxuuna Fanka ku soo dhex jiray muddo 50-sanno ah.

David Bowie waxa kaloo uu ahaa Hees-qore, Soo-saare Duubista, Maareynta, Midabaynta Masraxa iyo Jilaa, waxaana Heesaha uu qaaday ka mid ah:- Let’s Dance, Space Oddity, Starman, Modern Love, Heroes, Under Pressure, Rebel, Rebel and Life on Mars.

David Bowie waxa uu sannadkan u dabaaldegi lahaa 24-guuradii ka soo wareegtay markii uu guursaday Xaaskiisa Soomaalida ah ee Iimaam C/majiid oo u dhashay gabar lagu magacaabo Alexandria Jones.

David Bowie oo 69 jir ayaa shalay geeriyooday, kadib, markii uu muddo 18 bilood la il-darnaa cuddurka Kansarka, wuxuuna 3 maalmood ka hor geeridiisa la soo bandhigay Hees Muuqaal Video ah oo uu ugu magac daray ‘I’m in heaven’.

David Bowie inuu la il-daranaa Kansarka lama shaacinin ilaa uu ka geeriyooday.

 

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com