Dastuurka PL “Qofka Madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisa Noqoqnaya waa inuu dalka joogay labadii sano ee u dambeeyey”

Dastuurka Puntland , shuruudaha musharixiinta madaxwaynah iyo kuxigeenkiisa.

1-Muwaadin kasta oo Puntlander ah waa u furantahay inuu u tartamo madaxwayne ama madaxwayne kuxigeenka haddii uu buuxiyo shuruudaha xilka oo ah.

b)Inuu yahay muwaadin Puntland ah, Muslim ah , ku dhaqma diinta islaamka , miyirkiisu dhanyahya, da’diisuna ka yarayn afartan sano, qabin xaas ajnabi ah inta uu xilka hayana guursan karin.

C)Inuu leeyahay tacliin sare, waayo aragnimo hogaamineed, aqoon la xiriirta dhaqanka iyo hidaha Soomaaliyeed, dalkana ku sugnaa labadii sano ee ugu dambaysay.

D)In uusan horay u gelin qayaamo qaran iyo ku xadgudbid xuquuqda banii’adamka.

E) Musharixiinta jagada madaxwaynaha ama madaxwayne kuxigeenka waxaa ay ka imaan karaan golaha wakiilada iyo dadwaynahaba.

F)Haddii xubin ka mid ah Golaha Wakiilada loo doorto madaxwayne ama madaxwayne kuxigeen wuxuu luminayaa xubinimadii Golaha Wakiilada, waxaana badalaya qofkii xubin sugaha u ahaa.

 

Qore: Maxamuud Cabdi Ibraahim


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com