Dardargalinta xiriirka Ganacsi ee somalia iyo Pakistan oo la Xoojinayo (Sawiro)

Dardargalinta xiriirka Ganacsi ee somalia iyo Pakistan oo la Xoojinayo (Sawiro)

Masuuliyiinta safaarada Dowlada federaalka somalia oo ay hogaaminayso safiirad marwo khadija mohamed iyo uqaybsanaha ganacsiga iyo warshadaha somalia ufadhiya Khadar Dheen Gulled ayaa waxay kulamo lagu dardargalinayo ganacsiga labada dal kula qaateen rugaha ganacsiga ee kadhisan dalka pakistan kuwooda ugu firfircoon. Rawalpindi Chamber of Commerce and industries (RCCI) iyo Islamabad Camber of commerce and industries (ICCI).

Goob ay xaadir ku ahaayeen Ganacsatada ugu waawayn dalka pakistan ayaa H.E Marwo KHADIJA Tiri “ Waxaa jiro fursado dihin ah oo ay labada dal ee walaalaha ahi kawada faaiidi karaan fursadahaas oo loobaahanyahay in labada dowladood si hufan uga wada shaqeeyaan”

Sidookale waxaa uu uyiri mudane Khadar Dheen Gulled ‘waxaan kashaqaynaynaa in aynu yeelano heshiisyo ganacsi oo ku sulaysan sinnaansho ganacsi somalia waxaa la ansixiyay sharcigii maalgashiga oo lamicnotahay somaia waa udiyaar maalgashi,waxaan kuboorinaynaa ganacsatada in ay kafaaiidaystaan fursadaha kajiro dalka maadaama uu dib udhis kasocdo dalkayaga, waxaan kor ugu qaadi karnaa ganacsiga labadeena dal inakoo wadaagna wufuud ganacsi si uu uyimaado isdhexgal ganacsato iyo in aynu mataanayno rugaheena ganacsi si xog joogta ahi ukala helaan”

Madaxweynayaasha Rugaha ganacsiga ayaa soo dhaweeyay talooyinkaas iyakoo kudaray in ay ahmiyad gaar ah saari doonaan in flight toos ah qaybta xamuulka ugudbin doonaan dowladooda diyaarna uyihiin ra’ayiga Uqaybsaaha Ganacsiga Khadar in ay la sixiixdaan heshiisyo Isfahan shaqo ah rugaha ganacsi ee kajira dalka somalia, runtiina u arkaan somalia in aytaha furaha Africa .

Meelaha laisla afgartay in si wadajir ah loohormariyo waxaa kamid ah Xoolahanool dalaga ,dibudhiska somalia,daawooyinka,bariiska shamiitada,tayayn ama kor uqaadis xirfada shaqaalaha wasaarada ganacsiga iyo rugaha ganacsiga, in laisdhaafsado wufuud ganacsi, iyo in bandhig carweed sanad la’ah oo kukooban labada dal laqabto.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com